Ciidamada Ammaanka iyo rag hubeysan oo Muqdisho ku dagaalamay + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad khasaare sababay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Somalia iyo rag hubeysan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay rag hubeysan weerar gaadma ah ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla waddada ka baxda isgoyska Fagax ee aada xaafadda Jamuuhuriyo ee Kaaraan.

Inta la xaqiijiyey waxaa is rasaaseynta labada dhinac ku geeriyooday hal qof, iyada oo uu dhaawac soo gaaray askari ka mid ah ciidamadii ku sugnaa koontaroolka la weeraray.

Qofkla dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ahaa oo magaciisa lagu sheegay Sakariye Cabdullaahi Sabriye, kaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka, sida uu xaqiijiyey goobjooge.

Sidoo kale waxaa goobta goor dambe gaaray ciidamo kale oo dheeraad ah oo hwolgal kooban ka sameeyey goobta, inkastoo ay baxsadeen dableydii soo qaaday weerarka.

“Ciidamo ka tirsan booliiska dowladda oo ku sugan bar lagu hubiyo gaadiidka waxaa soo weeraray koox hubeysan, xiligii israsaaseyntu dhaceysay waxaa goobta marayaya dad shacab ah oo uu kamid yahay AHUN Sakariye Cabdullaahi Sabriye” ayuu yiri goobjooge.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgallada, kadib xigay.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey caasimada, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan.