27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Ciidamada Burundi oo billaabay ka bixitaankooda Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Bujumbura (Caasimada Online) – Ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya ayaa qalabkooda xiranaya, ayaga oo maanta si rasmi ah u billaabay billaabay qorshaha ay uga baxayaan dalka Soomaaliya, sida ay horey u ballan qaaday dowladda dalkaas.

Arrintan ayaa waxaa ugu wacan muran ka dhex oogan dowladda dalkaas iyo Midowga Yurub oo bixiya mushaharka ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya, kaasi oo diiday inay mushahar siiyaan ciidanka Burundi, 12-kii bilood ee ugu dambeeyey.

Midowga Yurub iyo madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad ka dhalatay is-beddel uu dastuurka dalkaas ku sameeyey si ay taas ugu ogolaato inuu mar saddexaad isu sharxo madaxweyne, waxaana dib loo doortay bishii July ee sanaddii 2016.

Madaxweyne ku xigeenka Burundi Gaston Sindimwo oo maanta ka hadlayey ka bixitaankooda Soomaaliya ayaa yiri “Waxaan go’aansanay inaan si rasmi ah u gudo galno diyaar garowga bixitaanka sida ana horey u ballan-qaadnay, sababta oo ah kuma sii jiri karno Amisom, maadaama aan mushahar la siin ciidankeena”

Gaston Sindimwo ayaa sheegay In Burundi ay jecleyd inay sii waddo taageerada ay u fidiso Soomaaliya, hase yeeshee ay qasab noqotay inay billaabaan ka bixitaanka Soomaaliya, maadaama aan 12 bil mushahar la siin ciidankooda.

Sababta Midowga Yurub ay u diideen bixitanka mushaharka ciidamada Burundi ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah cadaadis la saarayo madaxweyne Pierre Nkurunziza si uu xunka dalkaas uga dego, una ogolaado doorashooyin caddaalad ah.

Burundi ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 5,400 oo askar oo qeyb ka ah Amisom, waxaana bishii ay mushahar u qaadan jireen 5.3 milyan oo dollar guud ahaan.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadal go’aanka maanta kasoo baxay dowladda Burundi iyo ciidamada dalkaas ee ka baxaya Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News