26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Ciidamada Daacish oo lagu arkay deegaan kale oo ku dhow Qandala

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno gobolka Bari ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo xooganka socdaan deegaano gobolkaasi ka tirsan.

Dhaqdhaqaaqa ayaa waxaa sameynaya ciidamada kooxda Daacish oo dhawaan la wareegtay gacan ku heytan degmada Qandala ee gobolka Bari, waxayna doonayaan iney ku qabsadaan deegaano kale oo gobolka ka tirsan.

Ciidamada Daacish ayaa ku dhawaaday deegaanka Balidhidin oo ka tirsan gobolka Bari kuna dhow degmada Qandala, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ku arkeen meel deegaanka ku dow.

Gaadiid dagaal oo gaaraya seddex gaari ayaa ka baxay deegaanka Qandala, waxaana gaadiidkaasi oo kooxda Daacish saaran yihiin lagu arkay deegaanka Balidhidin.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku dhow Magaalada Qandala waxaana la sheegaya in ay adagtay in weerar lagu qaado Qandala ,madaam Kooxda Magaalada ay ka sameystay dhufaysyo waa weyn.

Waxaana kooxda Daacish ay dhawaan sheegtay iney isku fidin doonto deegaanada gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News