25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Ciidamada dalka Ethiopia oo gacanta ku dhigay HUB iyo LACAG loo adeegsan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka dalka Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen saanad Militeri iyo dadkii waday.

Saanada ay qabteen ciidamada ayaa la xaqiijiyay inay la soctay lacag iyo Hub farabadan oo la doonayay in si qarsoodi ah lagu galiyo dalkaasi.

Lacagta ay ciidamada amaanka Booliska gacanta ku dhigeen oo dollar aheyd ayaa la xaqiijiyay inay gaareyso malaayiin dollar oo aan wali la xaqiijin halka ay ku soctay.

Waxa sidoo kale ay booliiska gacanta ku soo dhigeen hub fara badan oo dalka lagu galinaayay qaab qarsoodi ah, waxaana si gaara Hubka gacanta ugu dhigay Sirdoonka dalka Ethiopia.

Hubka iyo lacagta ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgal laga sameeyey gudaha iyo daafaha Ethiopia waxaana gacanta ku hayay xubno kawada tirsan hal shabakat.

Waxa ay arrintan ay ku soo aadeysaa xili ay sii xoogeysanayaan colaadaha u dhaxeeya qowmiyada Oromada iyo Soomaalida kaa oo ka taagan deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Dhinaca kale, waxa ay Ethiopia marti galineysaa weeraro Qaraxyo oo aan horay looga baran iyadoo ay xusid mudan tahay weerar dhawaan lala eegtay Ra’isul wasaaraha dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News