Ciidamada Danab oo howlgal ku burbriyey saldhigyo ay lahaayeen AL-SHABAAB

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliua ayaa sheegaya in maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Macawiisleyda ayaa howlgalkan ka sameeyey inta u dhexeysa deegaanka Halgan iyo degmada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Danab oo ka hadlay howlgalkani ayaa shaaca ka qaaday in aysan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ay Shabaab isaga baxeen deegaannadaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay burburiyeen xarumo iyo saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas oo ay tilmaameen inay kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan.

Danab saraakiisha u hadashay waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka socda guleedka Beledweyne oo ay weli ku sugan yihiin Shabaab.

Howlgalkan ayaa jawaab u ahaa weerar culus oo ay todobaaadkan xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Gorgor ay ku leeyihiin deegaanka Burdaar ee gobolka Hiiraan.