Ciidamada DF oo deegaano cusub kala wareegay Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maanta fashiliyay weerar ay Al-Shabaab qorsheynayeen, kadib markii ay weerar ku qaadeen goob ay maleeshiyaad ka tirsan kooxda isku uruursanayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal toos ah uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo xubnaha Shabaabka ah, ayada oo halkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Dagaalkan oo ka dhacay degaanka Beerxaano oo dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale waxay ciidamada kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano, Tarashante, Dhoqor iyo kuwa kale oo dhamaantood dhaca Koonfurta magaalada Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in intii uu socday dagaalka ciidan gurmad ah oo uu hogaaminayay Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayna wehliyeen ciidanka Gorgor ay gaareen goobta uu dagaalka ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaaladu ay tahay mid degan, islamarkaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howl-galo kala duwan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii dambe kordhiyay howl-galada ay ug hortagayaan weerarada gaadmada ah ee Al-Shabaab, ayada oo shalay ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas.

Howl-galada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howl-galada xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray dhulkii ugu ballaarnaa.