Awdheegle (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa isku fidinaya deegaannada gobolkaas oo ay maalmihii u dambeeyay ka wadeen howlgallo xoreyn ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Wararka naga soo gaaraya Shabeellaha Hooe ayaa sheeaya in maanta ciidamadu ay Al-Shabaab ka saareen deegaanno hoostaga degmada Awdheegle, oo qudheeda maalin kahor la xoreeyay.
Deegaannada muhiimka ah ee kooxda laga saaray ayaa waxaa kamid ah tuulada Tawakal, oo muddooyinkan ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Khawaarijta oo godad ka qotay halkaasi, balse waxa u daatay ciidamada, sida ay shaacisay warbaahinta dowladda.
“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah nabadiidka, ayaa Khawaarijta ka saaray deegaanno horleh oo hoostaga degmada Awdheegle, kuwaas oo ay ka mid tahay Tuulada Tawakal, oo ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen muddooyinkii dambe,Ciidanka ayaana ka saaray godadkii ay gabaadka ka dhiganayeen” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Howlgalka wajiga sedaxaad ee Duufaanta Aamusan ayey Ciidanku ku bartilmaameedsanayaan goobaha ay Khawaarijtu isku aruursanayaan, si looga taqaluso dhagartooda, islamarkaana loo soo celiyo nabadda iyo xasilloonida”.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana cidiamadu ay haatan howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan duleedka degmada Awdheegle, gaar ahaan deegaannada dib loola wareegay.
Horay ciidamada ayaa u xoreeyay deegaanno ka tirsan gobolkan, gaar ahaan Bariire, Sabiid iyo Canoole oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Waxaa kale oo jirtay in la qarxiyay gaadiid ay qaraxyo kasoo buuxiyeen oo lagu burburiyay difaaca hore ee saldhigyada ciidamada, kadib markii lala helay duqeymo xooggan.
Si kastaba, Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xooggan tahay argagixisada, waxayna kasoo abaabushaa weerarada, iyada oo gaarigii isku qarxiyay Godka Jilacow uu ka yimid dhinaca magaalada Afgooye, sida ay muujinayaan muuqaallo ay baahisay NISA.


