25.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Howlgal ka hortag ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta Ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Hay’adda Nabadsugida Qaranka ay ka sameeyeen deegaano dhaca duleedka magaalada Muqdisho oo xiga dhinaca gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku beegsaday deegaanno dhawaan uun lagala  wareegay Al-Shabaab oo ay kamid yihiin Gendershe iyo Dhanaane, waxaana cagta la mariyay maleeshiyaad ka tirsan khawaariijta oo isku dayday in ay ku dhuumaaleystaan dhulka keymaha ah.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa gudaha u galay goobihii ay ku sugnaayeen argagixisada, iyaga kasoo helay dukumintiyo muhiim ah, waxaa kale oo ay  burburiyeen godad iyo dhufeysyo halkaas uga qodnaa kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya

“Ciidanka Qaranka, oo ka feejigan dhagarta khawaarijta, ayaa dul tegay godadkii khawaarijta ee deegaanka Gendershe, halkaas oo ay ka carareen ka dib weerar dhowr jiho ah oo lagu qaaday” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Waxaa kale oo ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka ayaa la wareegay barihii Khawaariijta ugu muhiimsanaa ee ku yiilay halkaasi, sida lagu sheegay bayaanka.

Intii uu socday weerarka waxaa sidoo kale lagu naafeeyay xubno ka tirsan Khawaarijta, waxaana la dilay horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda, iyada oo laga qabsaday deegaannada ay muddada isku dayayeen in ay difaacaan.

Dhinaca kale, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Xawaadleey. Deegaankan ayaa muhiim u ah isku socodka degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaankan oo horay ugu sugnaayeen ciidanka nabad ilaalinta ee AUSSOM ayaa waxaa kala wareegay kooxda Al-Shabaab oo xilligaas ku furay biyaha wabiga Shabeelle.

La wareegista Xawaadleey ayaa ka dhigan in la isku furay isku socodka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News