Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano horleh

Janaale (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa howlgalka ATMIS ayaa maanta howlgallo culus ka sameeyey duleedka deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalladaan oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah isaga kaashaday Ururada 83-aad iyo 84-aad ee guutada 14-ka Oktoobar oo garab ka helaya ciidanka ATMIS.

Ciidamada huwanta ayaa howlgalladan ku qabsaday deegaanada kala ah Malable, Siigaale, Cabanane, Beeraha baay iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Saraakiisha milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in inta uu socday howlgalka ay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, ayna burburiyeen xarumo ay ku lahaayeen deegaannada laga sameeyey howlgallada ee ay la wareegeen ciidanka huwanta.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu  intaasi ku dareen inay soo saareen miinooyin ay xoogaga Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka isku xira Janaale iyo deegaannada la xoreeyey.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulahga ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howlgallada lagu beegsanayo Kooxda Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.