Beledweyne (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowlada Ethiopia ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay ka farxiyay ardaydii wax ka baran jirtay Jaamacada Hiiraan ee ku taala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada Ethiopia oo ku sugan magaalada Beledweyne oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dhawaan ay baneyn doonaan jaamacada Hiiraan ee magaalada Beledweyne.
Jaamacada Hiiraan ayaa waxaa degen ciidamada dowlada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya, waxaana la shaacin waqtiga rasmiga ee ay ka baxayaan jaamacada magaalada Beledweyne.
Sarkaal u hadlay ciidamada dowlada Ethiopia ayaa dhanka kale sheegay in jaamacada Hiiraan ay ka taageeri doonaan dhanka biyaha iyo korontada, ayna garab taagan yihiin maamulka Jaamacadaasi.
Ardaydii wax ka baran jirtay Jaamacada Hiiraan ayaa soo dhaweeyay hadalka kasoo yeeray saraakiisha ciidamada dowlada Ethiopia oo ku aadan inay ka bixi doonaan fariisinkii ay ku lahaayeen Jaamacada Hiiraan ee magaalada Beledweyne.
Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]