Ciidanka Itoobiya oo ka baxay magaalo ka mid ah Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay maanta isaga baxeen magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya.

Ciidamadan oo daganaa duleedka waqooyi ee magaalada ayaa banneeyay xeradooda, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale munaasabad lagu sagootinayo ciidamada Itoobiya ayaa hadda ka socota xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ay dagan yihiin ciidamada Xoogga dalka, waxaana ka qayb-galay wasiirka amniga Jubbaland Sarreeya Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal).

Wasiirka oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xerada ay banneeyeen ciidanka Itoobiya ay geyn doono ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan Jubbaland iyo Xoogga dalka.

Sababta ay u baxeen ciidamadaas ayaa waxaa lagu sheegay inay qayb ka tahay qorshaha dhimista ee ciidamada howlgalka ATMIS ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.

Horay ciidamo ATMIS oo ka socda dhowr dal ayaa u banneeyay saldhigyo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo ay la wareegeen Xoogga dalka.

Bixitaan ciidanka Itoobiya ee magaalada Kismaayo ayaa haatan kusoo aadayo, xilli ay taagan tahay xiisad u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda.