Ceeldheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka oo qaaday howlgallo culus ay la wareegeen deegaanno horleh oo ka tirsan gobolkaas oo hoostaga maamulka Galmudug.
Ciidamada Macawiisleyda oo dagaal adag la galay Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii jabiyay, waxayna la wareegeen deegaannada kala ah Cali Candhoole iyo Baraag Shiikh Cabdullaahi oo in ka badan 40km u jira Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida oo ka hadashay dagaalkaas ayaa sheegtay inuu xooganaa, isla markaana laba saacadood kadib la jabiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab.
“Waxaa weerarka oo ahaa mid qorsheeysan si gaar ah ciidanka Xaq udirirka deegaanku ugu beegsadeen deegaanka Cali Candhoole oo u aheed saldhig talis oo dhulka howdka ah ku yaalla” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahisay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ciidamadu ay la wareegeen guud ahaa fariisimhii ay ku lahaayeen deegaannada lagu dagaalamay ee gobolka Galgaduud
“Dagaal socday in ka badan laba saacadood ayeey si buuxda gacanta ugu dhigeen halgamayaasha deegaanka dhammaan fadhiyadii khawaariijta ee saakay weerarka lagu ekeeyay”. ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.
Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale ay ciidamada Macawiisleyda u weerareen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa howdka deegaanka Ciid-ciidka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku dileen illaa 4 xubnood, kana soo furteen hubka.
Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay halka lagu dagaalamay, iyaga oo cagta mariyay saldhig iyo xarumo kale oo ay Khawaarijta ku lahayd halkaasi.
Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka, kuwaas oo qorsheynaya inay dib ugu laabtaan deegaannadii ugu dambeeyay ee ay dib uga soo baxeen.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo aad u adag, waxaana dowladda dhexe ay waddaa abaabul ay ku dooneyso inay uga hortegto culeyska ay Al-Shabaab soo saartay deegaannada maamul goboleedyada HirShabelle iyo Galmudug.