Ciidamada madaxtooyada Soomaaliya oo fuliyey howl-gal qorsheysan + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ilaalada ee ka howl-gala gudaha xarunta madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiyada Casta ayaa xalay saq-dhexe howl-gal qorsheysan ka fuliyey xaafadaha ku dhow Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah howl-galka loogu qaaday degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, gaar ahaan guryaha ku dhow dhismaha madaxtooyada.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online  u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha degmooyinkaasi, islamarkaana ay soo qab-qabteen dad u badan dhalinyaro.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhalinyaradaasi la’isugu keenay hal goob, kadibna lagu sameeyey baaris, iyada oo qaarkood lasii daayey, kuwa kalena la xiray.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu ahaa bartilmaameedka howl-galkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijiyey ammaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa kordhiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeyey weerarkii lagu qaaday xerada Xalane.