28.8 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Ciidamada Maraykanka ka jooga Afghanistan oo tirro kordhin lagu sameynaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayaha gaashaan dhigga Maraykanka ayaa sheegay inuu saxiixay amar ciidamo kale loogu dirayo Afghanistan. Gen. Jim Mattis ma sheegiin tirada, hase ahaate waxaa lagu wadaa inay halkaa ku gaaran maalmo yar gudahood.

Mattis waxaa u sheegay in ciidamadaas ay u sahli doonan milateriga Afghanistan in ay u dagaalaman si hadda ka wanaagsan.

Talaabadan ayaa horaanti bishii aynu soo dhafnay ee August waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Trump oo sheegay in ciidamo dheeraad ah uu u diri doono Afghanistan si ay uga hortagaan halista ururka Taliban.

Maraykanka ayaa sidoo kale qirtay in ku dhawaad 11 kun oo ciidan ahi ka joogaan Afghanistan, taas oo ah tiro ka badan 8,400 ee ciidanka ah ee horey loogu maleynayay inay halkaas ku suganyihiin.

Dhanka kalena, todobaadki hore ayaa madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, sheegay in degdeg ku saaridda ciidanka dalkiisa ee ku sugan Afghanistan ay fursad siineyso ururada argagixisada ah.

Waxa uu intaa ku daray in markii hore uu ka fekerayay in ciidamada Maraykanka uu gebi ahaanba ka saaro Afghanistan, balse aanu hadda rabin inuu sameeyo khalad la mid ah kii Ciraaq.

Trump ayaa sheegay inuu ka weecanayo hannaanka waqtiga ku xiran, oo uu xoogga saarayo mid salka ku haya wax ka qabashada xaaladda Afghanistan inta ay doonto ha qaadatee.

ISHA BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News