Baghdad (Caasimada Online) – Ciidamada Mareykanka ayaa billaabay inay ka baxaan labo saldhig oo muhiim ah oo ku yaalla Ciraaq, sida ay sheegayaan wararka warbaahinta gobolka, taasoo calaamad u ah in maamulka Trump uu fulinayo qorshihiisii ahaa in la soo afjaro joogitaanka millateri ee Mareykanka ee dalkaas.
Mareykanka ayaa Axaddii si kedis ah u billaabay ka bixitaanka saldhigga Ain al-Asad ee gobolka Anbar iyo Xarunta Saldhigga Victory, oo ku dhex taal Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Baqdaad, sida ay werisay warbaahinta Ciraaq ee Kurdistan 24.
Sida lagu sheegay warbixinta, ka saarista dhammaan askarta Mareykanka ee saldhigyadan ayaa u dhacaysa si heerar kala duwan ah, laakiin waxaa gebi ahaanba la faarujin doonaa “maalmo gudahood”. Warbixinta ayaa intaa ku dartay in qaar ka mid ah askarta Mareykanka loo rari doono magaalada Erbil, oo ka tirsan deegaanka Kurdistaan ee Ciraaq.
Warbaahinta Shafaq News ee Ciraaq ayaa horay u werisay in kolonyo ay la socdaan askar Mareykan ah oo ka soo ambabaxay Ain al-Asad ay ku sii jeeddo Suuriya – oo Mareykanku uu saldhigyo dhowr ah ku leeyahay waqooyi-bari Suuriya – halka kuwa kalena dib loogu geyn doono Erbil.
Ka bixitaankan ayaa muujinaya in maamulka Trump uu hore u sii wado qorshaha uu askarta Mareykanka kagala baxayo Ciraaq.
Bishii Sebteembar 2024, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in wada-xaajoodayaal Mareykan ah iyo kuwo Ciraaqi ah ay xilligii maamulka Biden ku heshiiyeen qorshe lagu soo afjarayo joogitaanka millateri ee Mareykanka, kaasoo u baahnaa oo keliya saxiixa hoggaamiyeyaasha Baqdaad iyo Washington.
Sida ay sheegtay Reuters, qorshuhu wuxuu dhigayay in dhammaan ciidamada isbahaysiga ee Mareykanku hoggaamiyo ay ka baxaan saldhigga cirka ee Ain al-Asad ee galbeedka gobolka Anbar, ayna si weyn u yareeyaan joogitaankooda Baqdaad marka la gaaro Sebteembar 2025.
Wada-hadalladii 2024-kii waxay ku dhaceen xaalado aad u kala duwan, taasoo hoosta ka xariiqaysa sida weyn ee gobolku isu beddelay.
Markii la gaaray Sebteembar 2024, maleeshiyooyin ay Iran taageerto ayaa qaaday ugu yaraan 70 weerar oo ka dhan ah ciidamada Mareykanka ee Ciraaq, taasoo qayb ka ahayd iska horimaadka gobolka ee hurayay ee ka dhashay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ay ku qaaday koonfurta Israel.
Askarta Mareykanka ayaa sidoo kale lagu weeraray dalka Jordan.
Maleeshiyooyinka Ciraaq ee weeraray ciidamada Mareykanka waxay ka tirsan yihiin koox la safan Tehran oo loogu yeero “Isbahaysiga Muqaawamada” (“Axis of Resistance”), oo ay ku jireen Xisbullaahi-da Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen, iyo dowladdii hore ee Bashar al-Assad ee Suuriya.
In ka yar sannad ka dib, hoggaankii Xisbullaah waxaa dilay Israel, ciidamadoodiina si ba’an ayaa loo wiiqay. Jabhado Islaami ah ayaa sidoo kale xukunka ka tuuray Assad dabayaaqadii 2024.
Ciidammada Xoojinta Shacbiga Ciraaq (Popular Mobilisation Units), oo ah dalladda guud ee maleeshiyooyinka Shiicada ah ee ay dawladda Ciraaq maalgeliso balse daacadda u ah Iran, ayaa ka badbaaday masiirkii ku dhacay Assad iyo Xisbullaah. Laakiin Tehran waxaa cadaadis culus saaray weerarkii kediska ahaa ee Israel iyo duqeyntii Mareykanka ee goobaheeda nukliyeerka.
Mareykanka iyo Baqdaad waxay heshiis ku lahaayeen in askarta Mareykanku ay Ciraaq sii joogaan taasoo qayb ka ah dadaallada lagaga guuleysanayo kooxda mintidiinta ah ee Dowladda Islaamiga ah (Daacish). Si kastaba ha ahaatee, markii uu sii darsaday xasuuqa Israel ka waday Gaza, Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Maxamed Shiyaac al-Sudani wuxuu la kulmay baaqyo cusub oo lagu dalbanayo in la soo afjaro joogitaanka Mareykanka.
Maamulka Trump qudhiisu ma muujin xiiso badan oo uu ku sii joogayo Ciraaq. Horraantii sanadkan, wuxuu horey u billaabay inuu yareeyo tirada ciidamadiisa ee Suuriya in kasta oo ay jirtay diidmo uga timid Israel. Dadka dhaleeceeya “dagaallada aan dhammaadka lahayn” ee Mareykanka ayaa soo dhaweyn doona ka bixitaankan.
Askarta Mareykanka iyo kuwa isbahaysiga ayaa la filayaa inay sii joogaan Erbil, oo ah deegaanka ismaamul-hoosaadka Kurdida, muddo hal sano oo kale ah. Ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee gobolkan waxay ka tagi doontaa oo keliya joogitaan millateri oo Mareykan ah oo aad u yar oo ku sugan waqooyi-bari Suuriya.
Qiilka sharciyeed ee Mareykanku u cuskado joogitaankiisa Suuriya, oo ay ku sugan yihiin qiyaastii 1,400 oo askari oo Mareykan ah, wuxuu sidoo kale salka ku hayaa heshiiska Washington ay la gashay Baqdaad.
Sida rasmiga ah, ciidamada Mareykanku waxay Suuriya u joogaan si ay u xaqiijiyaan in gebi ahaanba laga adkaado Daacish, laakiin joogitaankooda ayaa sidoo kale loo arkaa mid istiraatiiji ah oo lagaga hortagayo Iran iyo wakiilladeeda.
Si kastaba ha ahaatee, maadaama uu meesha ka baxay Assad, isla markaana Madaxweynaha Suuriya Axmed al-Sharaa uu hadda la safan yahay Turkiga iyo boqortooyooyinka Khaliijka ee Sunniga ah, raadka millateri ee Mareykanka ee Suuriya ayaa sii yaraan kara.