Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka Jubbaland iyo Maamulka ayaa si KMG ah u hakiyay Doorashada Aqalka Hoose ee ka socta magaalada Kismaayo.
Doorashada ayaa la sheegayaa in la hakiyay kadib markii Khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay Guddiga iyo qaar kamid ah Beelaha dega Jubbaland.
Doorashada ayaa hakat ku jirta maalinta labaad waxaana sababta hakatkaasi lagu sheegay kadib markii Guddiga uu isku dayay inuu bedelo Ergada mid kamid ah Beelaha wata Musharaxiinta uu tartanka u dhexeeyo.
Sidoo kale, waxaa jira warar kale oo sheegaya in muran hoosaad uu u dhexeeyo Guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland iyo sidoo kale ciidanka Nabad suggida Jubbaland oo muran soo kala dhexgalay.
Mas’uuliyiin, Nabadooni iyo Waxgarad ayaa la sheegayaa inay dadaal ugu jiraan sida looga gudbi lahaa Khilaafka sababay in la hakiyo Doorashada.
Ciidamada Nabadsugida Jubbaland ayaa albaabada u laabay Xarunta ay ka socotay doorashada, waxaana sidoo kale la warinayaa in la kala dareeriyay Guddiga Doorashooyinka iyo Ergadii ku sugneyd goobta doorashada ay ka dhici laheyd.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan Xiisadaani sababtay in la hakiyo Doorashada Aqalka Hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo