Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlag culus oo ay maanta qaadeen ciidamada difaaca Puntland, kuwaas oo u ruqaansaday deegaanno lasoo warisay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka kooxda Daacish.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay howlgalkan ku bartilmaameedsanayaan deegaanno ay firxad ku galeen xubno ka tirsan kooxda Daacish, kuna yaal buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
“Ciidanku waxay maanta wadaan hawlgal ay ku sifeynayaan firxadka Argagixisada, waxay Ciidanku isku fidiyeen oo kusii siqayaan deegaannada kooban ee firxadku ku dhuuman karo”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Howlgalka Hillaac.
Ujeedka ugu wayn ayaa ah in ciidamadu ay xoreeyaan deegaannadaasi, si looga hortago in mar kale ay dib isugu soo abaabusho kooxda Daacish.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadkii Daacish ee ka baxsaday deegaannada Baalade, Miiraale iyo Togga Jacayl ay xilligaan ku dhuumaalaysanayaan aagga Walisoor iyo Marmarka oo ay hadda kaabiga ku hayaan ciidamada difaaca ee maamulka Puntland.
Howlgallada ka socda aagga buuraha Calmiskaad ayay ciidamadu kasoo hoyeen guullo waawayn, waxayna dhowaan ay gacanta ku dhigeen ajaaniib ka barbar dagaalameysay kooxda Daacish oo uu ku jiray sarkaal sare oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga.
Guulaha kale ee laga gaaray Howlgalka Hillaac ayaa la sheegay inay yihiin kuwa si buuxda u wiiqay awooddii ururka Daacish ee gobolka, inkasta oo weli loo baahanyahay feejignaan dheeri ah oo ku wajahan ragga firxadka ah iyo isku daygooda ah inay dib usoo abaabulaan.
Si kastaba, Puntland waxay horay u sheegtay in howlgalkan oo socda in ka badan lix bilood lagu burburiyay awooddii argagixisada kooxda Daaacish isla markaana 98% laga saaray Calmiskaad, taasi oo ka dhigan in firxad yar oo baxsad ah ka harsan yahay mileeshiyaadkii Daacish.