29.9 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Ciidamada Puntland oo guul kale oo wayn ka gaaray dagaalka kooxda Daacish

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada ammaanka Puntland ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan aagga dhulka buuraleyda ah ee gobolkaasi, iyaga oo haatan kusii siqaya deegaanno horleh.

Ciidamada ayaa saacadihii ugu dambeeyay guullo waawayn kasoo hoyay dagaal adag oo ay la galeen argagixisada, kaas oo ka dhacay aagga togga Baallade, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ay beegsadeen firxadka maleeshiyaadka Daacish, ayna dileen illaa 40 ka tirsanaa kooxda oo ku dhuumaaleysanayay halka loo yaqaano Sadow oo ka tirsan togga Baallade.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in dagaalkan ay ku burburiyeen godod ay kooxda ka qodatay halkaasi, sidoo Kalena ay soo furteen hubkii ugu badnaa

Puntland ayaa sidoo kale lagu wadaa inay soo bandhigto maydadka xubnaha la laayay, habka lasoo furtay iyo godadka la burburiyay intaba.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa buuraha hoostooda oo ay weli ku jiraan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib.

Guushaan waxa ka horreysay mid kale oo ay todobaadkii hore gaareen ciidamada ammaanka Puntland, kadib markii ay la wareegeen toga Miraale oo ay muddo dheer ku sugneyd kooxda Daacish.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay goobo ay ku jireen ceelashii xarunta u ahaa maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda, halkaas oo loogu daatay, kadibna lagu laayay.

Togga Miraale ayaa Daacish u ahaa saldhig muhiim ah oo ay muddo dheer ku sugnayd, waxaa haatan cagta mariyay ciidamada oo kusii siqaya buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinnada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo sheegayaa inuu soo dhammaaday isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.

- Advertisement -

Read more

Local News