27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Ciidamada Puntland oo nolosha ku qabtay ajnabi ka tirsan Daacish

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamada difaaca maamulka Puntland ay howlgallo culus ka sameeyeen aagga buuraha Calmiskaad, kuwaas oo lagu beegsaday firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish.

Ciidamada ayaa saaka isku fidiyay togga Baalade, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan kooxda Daacish, waxaana lasoo wariyay in la’isku fara saaray halkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu qabtay nin ajnabi ah oo ka tirsan Daacish, isla-markaana ciidamadu ay nolosha ku qabteen, isaga oo kasoo firxaday kooxda.

Puntland ma shaacin dalka uu kasoo jeedo ninka la qabtay, waxaase haatan baaritaanno ku hayo ciidamada ammaanka ee ku sugan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

“Ciidanku waxay Togga Baallade ka qabteen Nin Ajanebi ah oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish ee la jebiyey. Tan iyo markii laga sifeeyay inta badan Calmiskad firxadka Argagixisada aya mid mid looga qabanaya Toggaga Calmiskaad”, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska howlgalka Hillaac ee Puntland.

Sidoo kale waxa lasoo wariyay inuu jiro khasaare kale oo ciidamada howlgaka sameeyay soo gaaray, waxaana jiro dhimasho iyo dhaawac, iyada oo dadka dhintayuu ku jiro Abwaan Cabdulkadir oo goor sii horeysay oo maanta ah tiriyay maanso uu ku cabiray dareenkiisa.

Dhowaan ayay ahayd markii sidaan oo kale ay ciidamada Puntland gacanta ugu dhigeen nin u dhashay waddanka Turkiga oo ka barbar dagaalamayey kooxda Daacish, waxaana la qabtay isaga oo watay qori AK-47 ah, isla markaana kaligiis biyo ka dhaansanayay ceel.

Ciidanka Guutada 3-aad ee Puntland, oo qabtay ninkaas, ayaa ku sifeeyay inuu yahay dagaalyahan hore uga fakaday howlgallo lagu burburiyay xarumo ay Daacish ku lahayd buuraleyda Cal Miskaad. Inkastoo aan la shaacin magaciisa, haddana mas’uuliyiinta Puntland waxay sheegeen in uu haysto jinsiyadda Turkiga isla markaana uu bixiyay xog muhiim ah intii lagu guda jiray wareysiyo hordhac ah.

Eedeysanuhu ma uusan la socon wax koox ah xilligii la qabtay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Wuxuu ka fakaday intii lagu guda jiray howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu wiiqay awoodda Daacish ee gobolka.”

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta argagixisada ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, iyada oo dhowaan lasoo gabagaabeeyay wajiga saddexaad ee howlgalka loogu magac daray Hilaac oo lagu xoreeyay dhul ballaaran oo ku yaalla aagga Calmiskaad.

- Advertisement -

Read more

Local News