Ciidamada Tigray ah oo isku dhiibay Sudan + Sababta

Addis Ababa (Caasimada Online) – In ka badan 500 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee ka mid ah ciidmada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa diiday inay dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo u baqay ammaankooda, waxayna codsanayaan magangelyo siyaasadeed oo Suudaan laga siiyo.

Ilaa sanadkii hore, ciidamada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ku dhawaad 4,000 oo ciidan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee Abyei (UNISFA), oo ah gobolka lagu muransan yahay ee xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu bedelay ciidamo caalami ah, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayo, kaasoo salka ku haya muran dhuleed iyo biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Nile, kaasoo Suudaan ay ka cabsi qabto inuu khatar ku noqdo helitaanka biyaha.

Inta badan ciidamada Itoobiya ayaa dib ugu laabtay dalkooda, balse qaarkood ayaa hadda codsaday magangalyo, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York.

“Tiro nabad ilaalin ah ayaa doortay inaysan laaban, waxayna raadinayaan ilaalin caalami ah, waxaa lagu ilaalinayaa meel ammaan ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay” ,” ayuu yiri afhayeenku.

“Mas’uuliyadda bixinta magangelyo waxay saaran tahay mas’uuliyiinta Suudaan oo ay ka caawinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee qaabilaadda dadkaas.” ayuu raaciyay.

528 askari oo Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda Tigray-ga ayaa magangalyo ka codsaday Suudaan, sida uu sheegay Major Gebre Kidane, oo ka mid ahaa ciidamadii nabad ilaalinta– tiradaaas oo ay xaqiijiyeen laba saaxiibbadiis ah oo ay sidoo kale ay la xiriirtay AFP.

“Ma ahan ammaan inaan ku laabanno Itoobiya, waxaana dooneynaa inaan noqonno codka dadka Tigrayga bulshada caamalka horteeda” ayuu 40-jirkan ayaa u sheegay AFP wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay, isagoo sharraxayay go’aanka uu ku dalbaday magangalyo horraanta Maarso.

VOA + AFP.