Mandera (Caasimada Online) – Dadka reer Kenya ee deggan deegaannada xuduudda la leh Soomaaliya ayaa Arbacadii walaac ka muujiyay soo gelitaanka dagaalyahanno ka tirsan maamul goboleedka Jubaland, kuwaasoo u soo gudbay xadka kaddib iska horimaadyo dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda dhexe.
Maamul goboleedka Jubaland ee koonfurta Soomaaliya iyo dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa muddo dheer waxaa u dhexeeyay ismaandhaaf.
Bishii tagtay, ciidamada dowladda federaalka ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada istiraatiijiga ah ee Beled-Xaawo oo ka tirsan Jubaland, tallaabadaas oo ku qasabtay ciidamadii maamulkaas inay ka cararaan oo ay u tallaabaan xadka dhinaca ismaamulka Mandera ee waqooyi-bari Kenya.
“Deegaanka waxaa ka jirta cabsi weyn… dadka badankiisuna way isaga carareen,” sidaa waxa khadka taleefanka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP, Urgus Shukra, oo ah oday deegaanka Mandera ka tirsan.
Waxa uu intaa ku daray in ciidamadaas hubeysan ee Soomaalida ay deegaanka ku sugnaayeen muddo afar toddobaad ah, ayna la wareegeen “goobihii beeraha ee ugu muhiimsanaa.”
“Si joogto ah ayay rasaas u ridaan. Waxay xitaa halkaas ku samaysteen tababarro,” ayuu raaciyay Shukra.
Ali Ibrahim Roba, oo ah senetarka ismaamulka Mandera, ayaa bartiisa X ku qoray: “Ciidamada Jubaland waxay hadda gudaha ugu jiraan magaalada Mandera. Dugsiyadii waa la xiray, dhaqdhaqaaqii ganacsigu wuu istaagay, qoysaskiina way barakaceen cabsi ay ka qabaan rasaasta habowda, gantaallada garbaha laga rido (RPGs) iyo walxaha qarxa ee aan weli shaqa gelin.”
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Kipchumba Murkomen, ayaa dhankiisa sheegay “in aysan jirin sabab loogu walaaco arrintan,” isagoo ku tilmaamay hadallada kasoo yeeraya siyaasiyiinta deegaanka kuwo la buunbuuniyay oo dano siyaasadeed laga leeyahay.
“Ma xaqiijin karno xilligan cidda ay yihiin dadkaas… inay yihiin ciidan iyo in kale,” ayuu Murkomen u sheegay warbaahinta.
Guddoomiyaha ismaamulka Mandera, Mohamed Adan Khalif, ayaa isna toddobaadkii hore ka digay joogitaanka ciidamadan Soomaalida, isagoo ku dooday in arrintani ay meel kadhac ku tahay madax-bannaanida qaranka. Talaadadii, dadka deegaanka ayaa arrintan ka dhigay bannaanbax.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee Kenya ayaa dhaliilay aamusnaanta Madaxweyne William Ruto ee arrintan, waxayna dalbadeen in tallaabo degdeg ah lagu qaado si ciidamadaas looga saaro dalka.
Dowladda Kenya ayaa ciidamo ka joogaan gobolka Jubaland — oo ah deegaan hodan ah oo ku yaal koonfurta Soomaaliya — si ay ugu adeegsato gashaanti ay kaga hortagto kooxda Al-Shabaab. Kooxdan ayaa horey weerarro dhiig badan ku daatay uga fulisay gudaha Kenya.
Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe — oo ah xulufo siyaasadeed oo dhow oo ay leedahay Nairobi — ayaa wajahaya iska caabbin kaga imaanaysa dowladda Muqdisho, taasoo diidan inay aqoonsato sharciyadda maamulkiisa.

