28.1 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Ciidamadii ugu badnaa oo Muqdisho buux dhaafiyay iyo arrin laga cabsi qabo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho soo buuxdhaafiyay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Ciidamada ayaa wararka aan heleyno waxay sheegayaan inay qaab beeleed ahaan ugu soo qulqulayaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Doorasho ay ku tartamayaan inka badan 20 musharax ayaa ka dhaceyso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Waxaa waddooyinka lagu arkayaa ciidamo badan oo meletari kuwaasi oo la dhigay goobihii ay joogi jireen ciidamada booliska, waxaana qaarkood ak muuqata inaysan is aqoon balse ay isku labis yihiin.

Dadka ku xeel dheer dhanka amaanka ayaa sheegaya inay jirto cabsi laga qabo dhanka amaanka iyo inay dhacaan iska hor imaad marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada.

Shacabka magaalada ayaa aad u hadal hayo in dagaalo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, marka loo eego musharixiinta qaar haddii ay ku guuleystaan xilkan.

La soco waxii kusoo kordhaa insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News