Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wargoordhow naga soo gaaray Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidamo aad u hubeysan ay la wereegen Bangiga magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada la wareegay Bangiga magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegayaa inay ka gadoodsan yihiin Mushaar la’aan kasoo foodsaartay maamulka Puntland.
Ciidamadaani ayaa ku hubeysan Hubka noocyadiisa kala duwan waxaana lasoo warinayaa inay kala direen dhammaan Howlwadeenada Bangiga.
Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada ayaa Maamulka Bangiga ku amray inay albaabada u laaban xarunta Bangiga ilaa amar danbana aysan imaankarin xarunta.
Maamulka Puntland ayaa lagu eedeeya inay ku tacadiyaan Shaqaalaha iyo Ciidamada maamulka oo aan lasiin xuquuqda ay maamulka ku lahaayen.
Dhawaan ayay aheyd goortii Ciidamo ka tirsan maamulka ay sidaa oo kale kula wereegen Xarunta Bangiga magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

