26.6 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Ciidamo cusub oo laga keenay Qatar oo isbeddel weyn ka sameeyay Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dhawaan dalka dib ugu soo celisay 600 askari oo qeyb ka ahaa ciidankii tababarka u joogay dalkaasi.

Ciidamadan oo haatan si rasmi ah loogu wareejiyay amniga qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa waxaa si gaar ah loo hoos geeyay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), gaar ahaan taliska gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo ka hawl bilaabay magaalada Muqdisho ayaa waxaa hub iyo qalab ciidan siiyey dowladda Turkey, taas oo qayb ka ah taageerada ay siiso ciidamada Soomaaliya.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka, waxaa ciidamadan cusub lagu daray illaa 300 askari oo kale, si cutubku u gaaro heer guuto buuxda.

Ciidamadan cusub ayaa waxaa loo qeybiyay dhowr saldhig iyo xarumo amni oo ku yaalla caasimadda, halka qeybaha weli tababarka ku maqan lagu wado in marka ay soo dhameeyaan si buuxda loogu wareejiyo amniga caasimadda dalka.

Dadka Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in ciidankan cusub uu si weyn uga duwan yahay kuwii hore ugu sugnaa caasimadda, iyagoo ku amaanay an­shax sare, nidaam iyo dabeecad wanaagsan oo kula dhaqmayaan shacabkooda.

Tan ayaa kasbatay kalsoonida shacabka, maadaama ay si habsami leh bulshada ula dhaqmayaan intii ay ka howl-galeen magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in guutadan cusub ay door muhiim ah ka ciyaari doonto xoojinta nabad-gelyada caasimadda, gaar ahaan meelaha ay horay dhibaatooyinka amni uga jireen.

Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe ka raysatay qaraxyadii iyo falalka amni-darrada ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay, iyadoo shacabka magaalada ay dareemeen neecowda nabadda, waxaana kor u kacday wada-shaqeynta laamaha amniga iyo shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News