29.1 C
Mogadishu
Saturday, April 18, 2026

Ciidamo ka tirsan DFS oo Beledweyne ku dagaalamay iyo sarkaal la dilay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka tagaan tahay xiisad.

Xiisada ayaa billaatay markii xaley magaalada uu ka dhacay iska hor imaad sababay in ay dhintaan seddax qof oo uu ku jirro sarkaal ciidan.

Ilaa hadda si dhan ah looma oga in ay dhintaan raggan uu ku jirro sarkaalka oo lagu dilay xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne.

Dad ay la hashay Shabakadda Caasimada Online ayaa noo sheegay iska hor imaadka in uu billowday markii ciidamo ka tirsan kuwa maamulka iyagoo howllo roondeen ah ka waday magaalada ay si kadis ah isaga soo hor baxayn sarkaalka la dilay iyo ciidanka la socday, dabadeedna uu meesha ka billowday iska hor imaadka.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xaashi Xusen Diiriye, waxaana uu horrey uga mid ahaa saraakiishii horre ee dowladda millitariga.

Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay kacsan, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan, sidoo kale waxaa si teel-teel ah u socda adeegyada caadiga iyo isku socodka dadka qaybo ka mid ah magaalada.

Majirto cid ilaa hadda ka hashay iska hor imaadka ka dhacay Beledweyne.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Beledweyne

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News