Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay duleedka degmad Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa loo dhigay kolonyo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ku socdaalayay bannaanka magaaadaasi, waxaana mas’uuliyadda sheegatay kooxda Al-Shabaab
Sida ay baahisay kooxdu waxa uu qaraxu haleelay mid kamid ah kolonyada gaadiidka dagaalka ee ay wateen ciidamada, waxaana ay shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 2 askari, 3 kalena ay ku dhaawacday.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa innoo xaqiijiyay in qaraxa uu dhacay, isla markaana uu jiro khasaare leh dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta deegaanka oo ku aadan weerarkaasi ee ay guusha ka sheegatay Shabaab.
Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana ciidamada dowladda lasoo wariyay inay howlgallo kooban ka sameeyeen aagga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Maalmihii u dambeeyay waxaa Shabeelaha Hoose ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, si looga hortago weerarada ay kooxda kasoo abaabusho halkaasi.
Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.