Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland lagula eegtay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo dhaliyay khasaare xoogleh.
Qaraxa ayaa lasoo wariyay in ciidamada lala eegtay xilli ay howlgal ka wadeen halkaasi, waxaana uu haleelay qaar kamid ah kolonyada oo goobta ku burburay.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo saacado qaatay, waxaana guul ka kala sheegtay Jubbaland iyo Shabaab.
Qoraal ay baahiyeen Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in qaraxa iyo dagaalka xigay ay ku dileen illaa 5 askari, kuna dhaawaceen 4 kale, sidoo kalena waxa intaasi ku dareen in ay gubeen qaar kamid ah gaadiidka dagaalka oo ay wateen ciidamada maanta la qaraxiyay.
Dhanka kale, saraakiisha ciidamada Jubbaland oo iyana hadlay waxa ay sheegeen in dagaalka ay galeen A-Shabaab ay ku jabiyeen, isla markaana ay goobta ku dileen ugu yraan 6 xubnood, ayna ku dhaawacen 4 kale oo kamid ah xubnaha weerarka soo qaaday.
Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada labada dhinac, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka Jubbada Hoose.
Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo iyo guluf ay wadaan labada dhinac laga dareemayaa aagga Qooqaani oo ah meesha la’isku fara saaray.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa deegaannada Jubbaland ka socday howlgallo culus oo ay iska kaashanayeen ciidanka maamulkaas & kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

