Dagaal ka dhex-qarxay ciidamada dowladda Soomaaliya ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal muddo socday oo u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan Dowlada ayaa waxa uu goordhow ka dhacay degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka oo Hub kala duwan leysu adeegsaday ayaa waxa uu si gaara uga dhacay Xaafada Macalin Nuur, kaa oo yimid kadib markii ciidamada Xasilinta ay isku dayeen inay Hubka ka dhigaan ciidamo kale oo ka tirsan Militeriga.

Ciidamada xasilinta ayaa inta uu dagaalka socday dilay 2 Askari oo ka tirsanaa Militeriga kuwaa oo diiday inay dhigaan hubka.

Seddex kamid ahaa labada dhinac ayaa sidoo kale ku dhaawacmay dagaalka, kuwaa oo la dhigay Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Ciidamada Xasilinta ee dagaalka ku gadal Degmada ayaa waxaa sidoo kale xoojiyay ilaa Seddex gaari nooca dagaalka ah kuwaa oo ku baxay rasaasta ay is weydaarsanayeen ciidamada xasilinta iyo Militeriga.

Wasaarada amniga aya bilowga Bisha Ramadaan ka digtay in ciidamada Militeriga iyo kuwa kale ee aan qeybta ka aheyn Xasilinta ay gudaha magalada iyo daafaheeda ku qaadan Karin Hub.

Dhinaca kale, dagaalada u dhexeeya ciidamada Xasilinta iyo kuwa kale ayaa sabab u noqon kara  kala shaki joogta ah oo soo kala dhexgala ciidamada Qaranka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com