26.1 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Ciidanka AUSSOM oo dhaq-dhaqaaq cusub ka bilaabay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Militariga Burundi oo qeyb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo cusub oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka HirShabelle.

Hawl-galkan amni ayaa lagu sugayay waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Jowhar iyo caasimadda maamulka HirShabelle, sida uu sheegay taliska howl-galka Midowga Afrika, qeybtiisa Burundi.

Hawl-galkaas oo uu hoggaaminayay Taliyaha qeybta 5-aad ee saldhigga garoonka Jowhar, Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana ayaa ahaa mid roondo ah oo lagu marayay jidka dheer ee isku xira garoonka diyaaradaha iyo magaalada.

Howl-galkan oo loo bixiyay “badqabka isu socodka dadka iyo badeecadaha magaalada Jowhar” ayaa ciidanku kaga baareen hareeraha waddada suurtagalnimada in miino lagu aaso, sida ay tilmaamayaan wararka ka soo baxay halkaas.

Ciidamada Burundi ayaa la howl-gala ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka HirShabelle, iyagoo howl-gallo ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ku sugan yihiin.

Deegaannada maamulka HirShabelle ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah Al-Shabaab, waana halka uu ka billowday wajiga koowaad dagaalka ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe amni oo ay wadaan laamaha kala duwan ee ciidanka, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo halista miinooyinka iyo in shacabka gobolka ay helaan isu socod ammaan ah.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan dardar-gelinaysa dagaalka Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid, iyadoo ciidamadu bilaabeen howl-gallo culus oo ka dhan ah kooxda, xilli ay muddooyinkii dambe kooxdu dib u qabsatay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo xoreyntooda ay ku baxeen geesiyaal naftood hurayaal ah.

- Advertisement -

Read more

Local News