Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta fal laga caroodaay kula kacay shacabka ku dhaqan xaafadda Siinaay oo ay weli ka socoto burburin ay ka waddo dowladda Soomaaliya.
Ciidanka ayaa saaka mar kale lagu arkay aagga Siinaay, halkaas oo ay ka dhaceen dhibaaatooyin xooggan oo loo gaystay dadka shacabka ah ee ku dhaqan halkaasi.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo Aabe waayeel ah iyo hooyo ay si xun u garaacayaan ciidamada, iyaga oo ula dhaqmay si naxariis la’aan ah,
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu baahiyay muuqaalada, waxaana kasoo muuqday Aabe Sheekh Axmed Siicow Maxamed oo dhawaan ka qayb-galay shirkii Madasha Samatabixinta ee hoteel Jasiira, kaas oo ay jirdil xoogleh kula kaceen ciidamada ku sugan Siinaay.
Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay falcelin xooggan, waxaan durbadii qaylo dhaan ka soo saaray xubnaha mucaaradka oo cambaareeyay sida loogu xadgudbay reer Siinaay.
Madaxweynihii hore ee dowladddii KMG ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo saaray ayaa weerar baahalnimo ah ku tilmaamay wixii maanta ka dhacay suuqa Siinaay, wuxuuna tilmaamay faldambiyeen loo gaystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarka bahalnimo iyo jirdilka loo gaystay maanta muwaadiiniinta Soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo shaatiga dowladda gaar ahaan falalka foosha xun ee ka dhacay Suuqa Siinay, kaas oo aan marnaba la aqbali-karin, kana fog bini’aadanimada iyo karaamada muwaadinka” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Beegsiga sida gaarka ah loola eegtay waayeelka ka hadlay xuquuqdiisa, gaar ahaan tacadiyadda ka dhashay barakicinta danyarta waa fal dambiyeed, waxaana ciidanka ammaanka uga digay”.
Dhankiisa Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka ka dhacay Siinaay oo uu ku eedeeyay ciidamada dowladda.
“Waxaa qarracan iyo ayaandarro weyn ah inaan daawanno ciidanka qaranka oo si arxandarro ah u jirdilaya aabbe Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay dhulboobka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ka waddo caasimadda dalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri Khaye.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna yiri “Shacabka la rasaasaynayo iyo muwaadinka la jirdilayo waxaa laga barakicinayaa dhulkii ay deganaayeen ee xaafada Suuqa Siinay. Ciidan uusan sharci, damiir iyo akhlaaq hagaynin waxba ma dhaamo mooryaan, madaxda soo dirtana wax ma dooriyaan hoggaamiye kooxeed. Ciidanka uusan sharci, damiir iyo akhlaaq hagin wax ma dhaamo mooryaan, madaxda soo dirtana hoggaamiye kooxeed wax ma dooriyaan”.

