Muqdisho (Caasimada Online) – Ciiamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay la siiyay amar culus oo ku aadan sugidda amniga, gaar ahaan ka hortagga kooxaha burcadda ee dhibaatooyinka ka gaysta magaalada Muqdisho.
Taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee saraakiisha amniga Caasimada ayaa amar ku siiyay Booliska in la dardar-geliyo howlgalada lagu dabar-goynayo tuugada oo maalmahaan dambe dhibaato ka wada qaar kamid ah degmooyinka gobolka.
Sidoo kale waxaa kulankan diiradda lagu saaray xoojinta amniga, feejignaanta ciidamada, iyo ka hortagga falalka dhaawici kara sumcadda Booliska.
Booliska ayaa sidoo kale shacabka caasimada ka dalbaday inuu kala shaqeeyo ammaanka, si Muqdisho ula jaan-qaado caasimadaha horumaray ee dunida.
Ciidamada ammaanka ayaa bilihii lasoo dhaafay waday dadaallo dheeraad ah oo lagu sugayo amniga guud oo isbedda wayn laga dareemayo, waxaana sidoo kale ay qaadeen tallaabooyin kale oo ku aadan u diyaar garowga howlaha doorashooyinka qof iyo codka ah.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay ula timid qorshayaal amni oo muhiim ah, kuwaas oo wax ka bedalay nolosha shacabka iyo guud ahaan xaaladda caasimada.
Si kastaba, Muqdisho ayaa hadda xasiloon waxaana laga nastay qaraxyadii joogtada ahaa iyo dilalka qorsheysan ee ay inta badan Al-Shabaab ka fulin jireen degmooyinka gobolka.


