27.3 C
Mogadishu
Monday, July 13, 2026

Ciidanka Danab oo tallaabo xasaasi ah qaaday kadib amarkii Xasan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Danab ayaa maanta qaaday tallaabo xasaasi ah, kadib markii ay u daateen gudaha degmada Sablaale, gaar ahaan goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay gaarsiiyeen khasaare culus.

Ciidamada oo ka duulaya amarkii uu bixiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan ku dhawaaqay dagaal kama dambeys ah oo lagu qaadayo kooxaha Khawaarijta ayaa beegsaday fariisin muhiim ah oo kooxda ku leedahay halkaas, sida ay shaaca ka qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab ay xalay saq-dhexe galeen degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hosoe, kadibna ay ku dileen 7 xubnood oo uu ku jiro sarkaal sare oo muhiim ah.

“Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Howlgalka ayaa lagu dilay toddobo dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, oo uu ku jiray horjooge kaalin ku lahaa abaabulka maleeshiyaadka kooxda,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale, Ciidanka Danab ayaa cagta mariyay laba goobood oo Al-Shabaab u adeegsan jireen tababarka iyo faafinta fikradaha xagjirnimada, kuwaas oo ay dadka ku marin-habaabin jireen kuna dhiirrigelin jireen falalka argagixisanimo, sida lagu caddeeyay bayaanka.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgallada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha, maleeshiyaadka iyo xarumaha Khawaarijta, ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isna ka dhacay deegaanka Hantiwadaag ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar oo kooxda u qaabilsanaa qorista maleeshiyada cusub iyo uruurinta baadda ee ay Al-Shabaab ka qaadaan dad shacabka ah.

Horjooge Cabdisalaan Macallin oo ay ciidamadu si dhow ula socdeen dhaq-dhaqaaqiisa ayaa lagu bartilmaameedsaday howlgal gaar ah oo la fuliyay 10-kii Luulyo 2026, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla deegaanka Hantiwadaag oo ugu dambeyn lagu khaarijiyay.

Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay weerarrada ka dhanka ah argagixisada, waxaana sidoo kale socda diyaar garow ku aaddan dagaal cusub oo uu markale iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Screenshot
- Advertisement -

Read more

Local News