28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Ciidanka DF oo la wareegay deegaan muhiim ah oo gacanta ku haysay Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Xawaadleey.

Deegaankan ayaa muhiim u ah isku socodka degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaankan oo horay ugu sugnaayeen ciidanka nabad ilaalinta ee AUSSOM ayaa waxaa kala wareegay kooxda Al-Shabaab oo xilligaas ku furay biyaha wabiga Shabeelle.

La wareegista Xawaadleey ayaa ka dhigan in la isku furay isku socodka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa afartii maalin ee la soo dhaafay la wareegay deegaano muhiim ah oo ka tirsan labada Shabeelle.

Howl-galkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku ciribtirayo khatarta argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha dhammaan deegaannada dalka.

Si kastaba, Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ku guuleystay khaarajinta horjoogayaal ka tirsan kooxda.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dileen Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal oo ahaa horjoogaha jabhadaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ninkan ayaa ka mid ahaa maleegayaasha weerarrada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeeda, waxaana ugu dambeyn xalay lagu khaarijiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Cali Heele, oo 30 km u jira galbeedka magaalada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay, waxayna illaa hadda ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay xaqiijiyeen bartilmaameedyo muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News