27.1 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Ciidanka dowladda oo fashiliyay weerar Al-Shabaab kusoo qaaday…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada deegaanka ayaa fashiliyey weerar ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan oo ahaa mid si qorsheysan loo soo abaabulay ayaa ciidamada qaranku uga hortageen si degdeg ah, kadib markii ay heleen xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka.

Intii uu socday howl-galka difaaca iyo ka-hortagga ah, waxay dowladdu sheegtay in la dilay horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, taas oo dhabar-jab weyn ku noqotay kooxdii weerarka soo qaadday.

Sidoo kale, maleeshiyaadkii la socday horjoogaha la dilay ayay dowladdu sheegtay in la gaarsiiyay jab culus oo isugu jira dhimasho iyo firxad, iyadoo ciidamadu ay weli ku howlan yihiin baacsiga firxadka baxsaday.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay in amniga deegaanka Wargaadhi uu si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada qaranka, isla markaana aysan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay ballanqaadkooda ku aaddan ciribtirka Al-Shabaab, iyagoo uga digay in fal kasta oo amniga shacabka lagu carqaladeeyo lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii dambe isku aruursanaysay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dhowr jeer kula dagaallameen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda.

- Advertisement -

Read more

Local News