25.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Ciidamada Jubaland ee u baxsaday Kenya oo wajahaya laba daran mid dooro

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan gudaha Mandheera ee dalka Kenya ayaa wajahaya xaalad adag, kadib markii lagu eedeeyay dilal ka dhacay gudaha dalkaasi.

Ciidankan oo kasoo baxay magaalada Beledxaawo kadib markii ay dagaal uga soo saareen ciidanka dowladda federaalka oo haatan ku sugan magaaladaasi.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya, Rigathi Gachagua oo shir jaraa’id qabtay ayaa dowladda Ruto ugu baaqay in gudaha Mandheera laga saaro ciidanka Jubbaland. Rigathi ayaa sheegay in uu hayo caddeymo muujinaya in askarta Jubbaland ay dad rayid ah ku dileen deegaannada dhaca Mandheera.

Dadka la dilay ayuu sheegay inay gaarayaan illaa shan ruux, halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta ciidanka Jubbaland, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaallada deegaanka.

“Ciidanka Jubbaland dad ayay ku dileen gudaha Mandheera, waa in la billaabo howl-gal looga saarayo gudaha Kenya,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa caddeeyay in aan la aqbali karin in gudaha Kenya, gaar ahaan Mandheera ay wax ku dilaan ciidan shisheeye, waa kuwa Jubbaland ee ka soo baxay Beledxaawo. Tan ayaa ka dhigan in ciidanka Jubbaland ay u furan tahay inay isku dhiibaan ciidanka dowladda federaalka ama si dhuumaleysi ah kusii joogaan gudaha Kenya.

Kenya oo saaxiib dhaw la’ah maamulka Jubbaland ayaa ka gaabsanaysa in si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Kismaayo iyo Muqdisho, iyadoo toddobaadkii u dambeeyay qaaday dadaallo ay ku dooneyso in hoos loo dhigo xiisadda labada dhinac.

Sida ay hore u baahisay Caasimada Online, xogo hoose ayaa xaqiijiyay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkaas ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Nuuradiin ayaa toddobaad ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo, sida ay illo wareedyo si dhow ula socda arrintaan inoo xaqiijiyeen.

Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi bilow u noqonaya qaboojinta xiisada labada dhinac. Kadib wada-hadalka telefoon ee labada madaxweyne, Axmed Madoobe ayaa gaaray magaalada Nairobi.

Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markii la isku mari waayey ajandayaashii la xiriiray guddigii doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada.

Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda federaalku gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer.

Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni bishii December 2024 iyo Beledxaawo July 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan.

- Advertisement -

Read more

Local News