Boosaaso (Caasimada Online) – Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo qoraal soo saaray ayaa ka warbixiyay howlgal ay maanta ciidamada difaaca maamulkaasi ka sameeyeen aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lagu qabtay xubno ajaaniib ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Daacish.
Ciidanka ayaa nolosha kusoo qabtay laba xubnood oo kamid ahaa firxadka kooxda, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.
“Ciidanku waxay saaka hawlgal kusoo qabteen labo Ajaanib ah oo ka mid ah firxadka Argagixisada Daacish, buuraleyda Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka.
Puntland ma shaacin magacyada labada xubnood iyo dalalka ay kasoo jeedaan, waxaase ay ciidanku soo bandhigeen muuqaalka labada nin.
Howlgalkan waxaa ka horreeyay duqeyn culus oo shalay ka dhacday aagga Ceelka Bukuuje ee Togga Baalade, taas oo lagu beegsaday firxadka Daacish oo ku sugnaa halkaasi, waxaana kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac.
“Duqeymo ay fullinayaan saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa lagu beegsaday todobaadkan Firxadka Argagixisada Daacish, kuwii u danbeeyay waxay 24- saac kahor ka dhaceen aaga Ceelka Bukuuje ee Togga Baalade, Calmiskaad” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Duqeymaha cirka iyo go’doonka ay ciidankeennu dhulka ka geliyeen firxadka Argagixisada, waxay noqdeen firxadkii wax la dilay, wax lagu dabo jiro iyo kuwo isa soo dhiiba”
Maamul-goboleedka Puntland ayaa guul wayn ka gaaray dagaalka Daacish, waxaana dhawaan uu soo bandhigay ajaaniibtii ugu badneyd oo lagu soo qabtay howlalladii cuslaa ee ka dhacay Calmiskaad, kuwaas oo kasoo kala jeeda dalalka Turkiga, Sacuudiga, Marooko, Itoobiya, Suuriya iyo Tanzaaniya.
Maxaabiistaas ajaanibta ah ayaa tiradoodoodu waxay gaaraysaa kontomeeyo (50), waxaa bar ka mid ah (25) ay u dhasheen dalka Itoobiya, sida ka muuqata shax ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka maamulka Puntland.
Ciidanka difaaca Puntland oo muddo dheer dagaal adag kula jira argagixisada ayaa muujiyay awoodooda, waxayna guulo waa wayn kasoo hoyeen dagaalka.

