Ciidanka Somalia iyo kuwa Midowga Yurub oo dhoolatus ka sameeyay badda + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) โ€“ Ciidamada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano Atalanta ayaa maanta si wadajir ah dhoolatus.

Dhoolatuskan wadajirka ah ayaa lagu soo bandhigay awoodda ciidanka Soomaalid ee ku aaddan fulinta hawl-gallada khaaska ah ee badda.

Dhoolatuskan ayaa diiradda lagu saaray qaabka loo maareeyo xaaladaha dadka ku soo xadgudba biyaha Soomaaliya, iyadoo ciidanka Soomaaliyeed lagu tusay farsamooyinka lagama maarmaanka u ah hawlgalladaas.

Intii uu socday bandhigga ayaa sidoo kale la tijaabiyay xirfadaha ciidamada ee la xiriira fulinta hawl-gallada culus oo lagu wajaho maraakiibta, taas oo qayb ka ahayd muujinta kartida ay u leeyihiin difaaca xeebaha dalka.

Howl-galka Midowga Yurub ee ka socda biyaha Soomaaliya ayaa ammaanay ciidanka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in ay leeyihiin awood buuxda oo ay kaga hortagi karaan dambiyada iyo falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca xeebaha Soomaaliya.

Masโ€™uuliyiinta howl-galka Atalanta ayaa sidoo kale qiray in ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ay si wanaagsan uga jawaabi karaan caqabadaha ka dhasha biyaha dalka, taas oo muujinaysa horumar ku aaddan tababarkooda iyo diyaar garowgooda.

Midowga Yurub ayaa weli qayb weyn ka qaata tababarka iyo dhoolatusyada ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya, si ay u yeeshaan awood ay kaga hortagaan khataraha kala duwan, gaar ahaan burcad-badeedda iyo falalka kale ee ka dhici kara biyaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News