25.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Ciidanka tarxiilka ee ICE oo beegsaday wiilka Ilhaan Cumar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online— Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota, kana tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, ayaa shaaca ka qaadday in ciidanka socdaalka iyo kastamka Mareykanka (ICE) ay Sabtidii joojiyeen wiilkeeda, iyagoo weydiiyay caddeymo muujinaya dhalashadiisa Mareykanka.

“Shalay, kaddib markii uu ka soo baxay dukaanka Target, waxaa jidka u galay ciidanka ICE. Markii uu u soo bandhigay baasaboorkiisa oo caddeynaya inuu muwaadin yahay, way iska sii daayeen,” ayay tiri Ilhaan oo wareysi siinaysay barnaamijka Sunday Morning ee telefishinka WCCO. 

WCCO ayaa la xiriirtay hay’adda ICE si ay wax uga weydiiso dhacdadan, balse weli kama aysan jawaabin.

Xildhibaanadda ayaa xustay in wiilkeeda uu “mar walba jeebka ku sito” baasaboorkiisa si uu uga gaashaanto xaaladaha noocan ah. Ilhaan ayaa intaas ku dartay in ciidanka ICE ay dhawaan galeen masaajid ay wiilkeedu iyo dad kale ku tukanayeen, balse ay dib uga bexeen iyadoon wax dhib ahi dhicin.

“Waxaan ku qasbanaaday inaan xasuusiyo sida aan u walwalsanahay,” ayay tiri Ilhaan, “waayo goobaha ay hawlgallada ka wadaan waa meelo ay macquul tahay inuu isagu tago, waxayna ku kacayaan beegsi ku saleysan isir (racial profiling), iyagoo si gaar ah u raadinaya dhallinyaro rag ah oo u muuqaal eg Soomaali oo ay u haystaan inay dalka sharci-darro ku joogaan.”

Horraantii bishan, ciidamo federaal ah ayaa hawlgalo culus oo kedis ah ka billaabay magaalooyinka mataanaha ah (Twin Cities) ee Minneapolis iyo St. Paul ee gobolka Minnesota, iyagoo sheegay in ujeedkoodu yahay beegsiga soo-galootiga Soomaaliyeed ee aan haysan sharciga.

Beegsigan gaarka ah ee lagu hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Trump uu sheegay in aanu u “rabin dadkan dalkiisa,” isagoo Ilhaan qudheeda ku tilmaamay “qashin.”

Maalintii Jimcaha, Ilhaan ayaa warqad kulul u dirtay Xoghaya Amniga Gudaha Kristi Noem iyo Todd Lyons oo ah sii-hayaha agaasimaha ICE, iyadoo ku eedeysay ciidamada federaalka inay ku kacayaan “takoor isir oo qaawan” iyo “awood sheegasho aan loo baahnayn oo heerkeedu sarreeyo” oo ka dhacaysa Twin Cities.

“Way ii caddahay in weerarkan cusub uu yahay jawaab toos ah oo ka dhalatay hadallada cunsuriyadda ah ee Trump uu ka sheegay dadka Soomaaliyeed, iyo gaar ahaan aniga,” ayay Ilhan ku qortay warqadda ay u dirtay laamaha amniga.

Xogta rasmiga ah ee Waaxda Tirakoobka Mareykanka (Census Bureau) ayaa muujineysa in Minnesota ay tahay gobolka ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee Soomaalida Mareykanka—ku dhawaad 107,000, iyadoo in ka badan 80,000 oo kamid ah ay deggen yihiin magaalooyinka mataanaha ah.

Ilhaan ayaa ku doodeysa in “in ka badan 90% Soomaalida Mareykanka ay yihiin muwaadiniin haysta dhalashada,” iyadoo soo xiganeysa sahanka Bulshada Mareykanka oo qiyaasaya in qiyaastii 22,000 oo Soomaali ah oo dalka ku sugan—oo u dhiganta 8.4%—aysan haysan dhalashada.

Ilhaan Cumar ayaa ku dhalatay Soomaaliya, waxayna Mareykanka soo gashay iyadoo ilmo yar ah, iyadoo dhalashada qaadatay sannadkii 2000.

- Advertisement -

Read more

Local News