Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa si rasmi ah u caddeeyay in dadka Itoobiya kasoo jeeda ee ku nool gudaha Somaliland loo tixgelinayo muwaadiniin Itoobiyaan ah, isla markaana aan la oggolaan doonin in dhibaato loo geysto.
Cirro oo khudbad ka jeedinayay Qasriga Madaxtooyada ayaa sheegay in ciidamada ammaanka lagu wargeliyay inay si buuxda u ilaaliyaan ajaanibta ku sugan dalka, gaar ahaan Itoobiyaanka, kadib markii ay soo baxday cabsida falal lagu dhibaateynayo muwaadiniin Itoobiyaan ah.
“Dadka Itoobiyaanka ahi Itoobiyaan bay naga yihiin, cid kasta oo dhib u geysata waa lagu qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Ciidamada ammaanka amarkaas ayay heystaan,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisado ka dhashay dhacdooyin lala xiriiriyay Itoobiyaan ay keeneen cabashooyin bulshada dhexdeeda. Madaxweyne Cirro wuxuu ku adkeystay in xukuumaddiisu ay u hoggaansan tahay ilaalinta xuquuqda dadka ajaanibta ah, taas oo waafaqsan qawaaniinta caalamiga ah iyo dhaqanka martisoorka Soomaalida.
Isagoo hadalka sii wata, Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muhiim u aragto ilaalinta xiriirka qotada dheer ee kala dhexeeya Itoobiya, oo uu ku tilmaamay deris istiraatiiji ah iyo saaxiib ganacsi oo taariikhi ah.
“Xiriirka Somaliland iyo Itoobiya waa mid gaar ah oo muddo dheer soo jiray, bulshada labada dhinacna ma kala maarmaan,” ayuu ku daray.
Hadallada Madaxweynaha ayaa loo arkaa fariin lagu dejinayo xiisadaha bulsho ee dhowaan soo kordhay, isla markaana xoojinaysa wadajirka iyo xiriirka siyaasadeed ee Somaliland iyo Itoobiya.