Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo maanta ka qeyb-galay shirweynaha maalgashiga Somaliland ayaa wuxuu ku dooday in ay kamid yihiin dalalka hodanka ah.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraadka dabiiciga ah iyo macdanta qaaliga ka ah dunida, isagoo gacmo furan kusoo maalgashadayaasha caalamiga ah, si ay uga faa’iideystaan kheyraadka Somaliland, uguna faa’iideeyaan dadkeeda.
“Somaliland waa dal hodan ah balse lagu tilmaamayo in uu yahay dal faqiir ah,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa uu intaas kusii daray “Macdanaha ugu qaalisan dunida way ka buuxaan Somaliland,waxaan leenahay Maalgashadayaasha wax sheegta waad ka helaysaane. Waxaan leenahay haddii maalgashigu dux yeelanayo, ka Somaliland la galiyo ayaa ugu dux badnaanaya, albaabaduna waa idiin furan yihiin waana soo dhaweynaynaa.”
Sidoo kale, Cirro ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadnaqay maalgashadayaasha iyo wafdiyada ganacsi ee ka kala socday 23 dal oo caalamka ah, kuwaas oo si firfircoon uga qayb-galay shirweynaha maalgashiga Somaliland.
Cirro ayaa ku dheeraaday in Somaliland ay leeyahay wax kasta oo uu ku soo dhiirran karo maalgashadahu, sida amni iyo xasillooni buuxda, nidaam dawladeed oo dimuqraadi ah, deggenaansho siyaasadeed, shuruuc iyo xeerar fududaynaya hawlaha maalgashiga iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, xoog shaqaale oo xirfad iyo aqoon leh iyo bulsho dhaqan u leh soo dhawaynta cid kasta oo maalgashanaysa.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso abuurista jawi maalgashi oo hufan, furan oo dhiirrigelinaya iskaashi u dhexeeya dowlad iyo ganacsiga gaarka looleeyahay (Public-Private Partnership), isla markaana kor u qaadaya horumarka iyo shaqo-abuurka ummadda Somaliland.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Shirkadda DP World oo ahayd tii ugu horreysay ee ku dhiirratay in ay maalgeliso dekedda Berbera iyo aagga dhaqaalaha madaxa bannaan ee Berbera (Berbera Economic Free Zone), taasi oo indhaha Dunida ku baraarujisay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.
“Shirweynaha maalgashiga Somaliland waa madal muujinaysa kalsoonida uu caalamku ku qabo mustaqbalka dhaqaale iyo ka siyaasadeed ee Somaliland,” ayuu yiri Cirro, isagoo tilmaamay in shirkan uu albaabada u furayo iskaashiga iyo is-dhexgalka dhaqaalaha gobolka Geeska Afrika iyo caalamkaba, iyadoo Somaliland ay soo bandhigtay aragti cad iyo qorshe istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo dhaqaalaheeda iyo nolosha shacabkeeda.
Shirweynaha Maalgashiga Somaliland oo maanta si rasmi uga furmay magaalada Hargeysa ayaa waxaa si heer sare ah u soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo kaashanaysa Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland.

