Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta meesha ka saaray walaaca laga qabay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka isku sidan ee golayaasha wakiilada iyo deegaanka Somaliland.
Madaxweynaha oo maanta la kulmay komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xaqiijiyay in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada doorashooyinka, sidaa darteedna ay doorashooyinka isku-sidkan ay ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasi oo ah 31-ka bisha May, 2026-ka.
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu madaxweynuhu xilka hayey, Cirro ayaa komishanka uga mahad-celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen, iyadoo Komishanka uga warbixiyay madaxweynaha habsami-u-socodka hawlaha ay uga wakiilka yihiin maamulka.
Sidoo kale, komishanka doorashooyinka waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh.
“Madaxweynaha ayaa komishanka ku amaanay hirgelinta doorashadii xasaasiga ahayd ee madaxtooyada. Madaxweynuhu wuxuu komishanka u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.
Mudane Cirro ayaa komishanka ku wargeliyay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah ee ka soo baxay doorashadii lasoo dhaafay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadaha iyo duruusta laga baran karo si mustaqbalka looga digtoonaado.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale wuxuu komishanka u xaqiijiyey in uu fulayo ballan-qaadkii uu la galay bulshada Somaliland ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada doorashooyinka, sidaas darteedna ay doorashooyinka ku qabsoomi doonaan waqtigeeda, iyadoo xukuumadda ay diyaar u tahay inay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda doorashooyinka.