Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro oo maanta khudbad ka jeediyay sannad-guurada 34-aad ee xuska 18-ka May ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan maamulkaas iyo xaaladda Soomaaliya.
Ugu horreyn madaxweyne Cabdiraxmaan Ciro ayaa ku faanay in Somaliland ay gaartay isku filnaan buuxda, isla markaana ay filayaan inay noqdaan qaran madax-banaan.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay guulaha waawayn ee ay gaareen, isaga oo xusay inay qabsadeen afti qaran iyo 8 doorasho oo ugu dhacday si nabad-gelyo ah.
“Maanta Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay buuxisay halbeeg kasta oo laga filayo Qaran madax-bannaan. Waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland qabsatay Afti Qaran, iyo 8 Doorasho, oo dhammaantood xukunka si aan turxaan lahayn oo qori isu-dhiib ah la isugu wareejiyey” ayuu khdubadiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Somaliland.
Dhinaca kale, wuxuu soo hadal qaaday xaaladda dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in marka la aqoonsado ay Dowladda Federaalka ka caawinayaan sidii ay xal ugu heli lahayd dhibaatada haysata, ayna u noqon laheyd dowlad ka maran dhibaayooyinka.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale tilmaamay inay xog ogaal u yihiin wax ka khaldan Soomaaliya, ayna diyaar u yihiin inay ka saxaan, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan ku kalsoonahay Jamhuuriyadda Somaliland oo qaran madax banaan ahi inay wax badan ka qaban karto xal u helidda dhibaatada Soomaaliya haysata, waxa aan xog ogaal u nahay waxa ka khaldan dowladnimada Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Cirro.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan ay sii laba kacleysay xiisadda u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho, kadib markii ay labada dhinac isku qabteen xaaladaha kasoo kordhay ee la xiriira deegaannada maamulka SSC oo ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya.