Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Qunsulka Guud (Consul General) ee Dowladda Turkiga u qaabilsan Somaliland, Ozan Pekin iyo ku-xigeenkiisa, Anil Koray Kocaman.
Kulanka ayaa lagaga wada-hadlay arrimo muhiim ah oo labada dhinac u dhexeeya, gaar ahaan xoojinta iyo kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed, ganacsiga iyo maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka fuliyo Somaliland.
Intii kulanka socday, Cirro ayaa xusay in Somaliland aanay haba yaraatee ka xumayn waxa uu Turkigu siiyo Dowladda Soomaaliya, laakiin Somaliland ay mudan tahay in si cadaalad ah Turkigu ula macaamilo, maadaama uu sheegay inay tahay dal madax-bannaan, nabad ah, dimuqraadi ah, isla markaana si dhab ah diyaar ugu ah iskaashiga beesha caalamka.
Dhankiisa, Qusulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland, Ozan Pekin ayaa Madaxweynaha Somaliland uga mahad-naqay qaabilaadda, isla markaana u gudbiyey salaan diirran oo uu uga sido Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda, Hakan Fidan.
Qusulkan oo shaqada bilaabay bishii September 2025-ka ayaa Cirro ku ammaanay nabadaynta Gobollada Bariga, Gogoshii Nabadda ee Ceerigaabo oo guul ku dhammaatay iyo qabsoomidda Shirweynihii Maalgashiga Somaliland.
Arrimahan ayauu ku tilmaamay guulo muhiim ah oo muujinaya bisaylka siyaasadeed iyo ka hoggaamineed ee Somaliland.
Qunsulka ayaa ballan-qaaday in uu si firfircoon uga shaqayn doono xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dhinac iyo kordhinta waxtarka iyo kaalmada horumarineed ee ay Dowladda Turkigu u qoondaynayso Somaliland, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
“Qusulku ayaa xusay in ay hadda ka hore ahayd mid aad u hoosaysa kaalmada Turkigu, marka loo eego kaalinta muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Gobolka Geeska Afrika.”
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qunsulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland ayaa ku soo dhammaaday is-faham, iyo yididiilo cusub oo ku aaddan xoojinta wada-shaqaynta labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyaddu.












