27.9 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Cod sir ah: Sida yaabka leh ee sarkaal ka tirsan NISA u qorsheeyey dilka Cali Jeyte

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal lagu magacaabo Muumin Xasan, oo saaxiib la ahaa Cali Jeyte xilligii uu aas-aasay Hiiraan State islamarkaana u magacaabay guddoomiyaha degmada Moqokori, ayaa la ogaaday inuu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu qorsheeyay inuu dilo ergayga madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidamada Macawiisleyda, Cali Jeyte.

Ninkan oo ka faa’iideystay saaxiibtinimada kala dhaxeysay Cali Jeyte ayaa loo geeyay Sanbaloolshe intii uu hayay xilka Agaasimaha NISA, waxaana lagu daray saraakiisha hay’adda, iyadoo loo xil-saaray inuu gudaha Al-Shabaab xog ka keeno. Balse, wuxuu sameyn jiray taas beddelkeeda.

Maadaama uu ahaa saaxiib dhow oo uu lahaa hoggaamiye Cali Jeyte, wuxuu qorsheeyay in uu raaco howlgalka dagaalka, kadibna uu ku dilo furinta, si loogu maleeyo in xabad Shabaab ah ay dishay.

Hay’adda NISA ayaa gacanta ku dhigtay ninkan, waxaana lasoo bandhigay codad sir ah oo laga helay taleefankiisa, isaga oo la hadlay nin kale oo Shabaab ah, isla markaana u faahfaahinaya qorshihiisa dhagarta ah.

Wuxuu sheegay in isaga iyo Cali Jeyte ay isku xumeen, islamarkaana uu doonayo inuu dilo, isagoo Shabaab-ka ka raadinaya taageero iyo in loo soo iibiyo qorigii uu ku dili lahaa Cali Jeyte, marka ay furinta wada gaaraan.

Codka Muumin ee lasoo bandhigay ayaa sharaxaya qorshaha dowladda ee dib-u-abaabulka dagaalka iyo sida uu isagu damacsan yahay. Wuxuu sheegay in Cali Jeyte uu raaci doono ciidamada deegaanka ee Abgaal, gaar ahaan beesha Kabaale, oo ka dagaallami doonta aagga deegaanka Nuur-dugle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Qori ii gada, ninkaas aniga waan isku fiicanahay, istaafkiisa ayaan ka mid noqonaa, waa nin dagaalka galo. Markii xabadda bilaabato ayaan leeyahay ‘dib u bax’, kadib dhowr tallaabo inta aan dhaafo ayaan gadaal xabbado ugu ridaa, waana dilaa. Haddii aan dili waayo, Muumin kale hala iga beddelo. Idinkuna is garta oo wax ii ogolaada. Ninkaan aniga $7,000 ayuu i geliyay, Maxaas ayaana la iiga leeyahay,” ayuu yiri Muumin, isagoo la hadlayay nin Shabaab ah.

Ninkaan ayaan xalay idinla wadaagnay qeyb kale oo ka mid ah hadalladii duubnaa ee laga helay taleefankiisa, isagoo ka sheekeynaya sida dhaawacyada ciidanka Macawiisleyda ee Xawaadle loogu weerari karo isbitaallada Muqdisho ee lagu daweynayo.

Hoos ka dhageyso codka sirta ah ee laga helay taleefanka Muumin

- Advertisement -

Read more

Local News