Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaatay codbixin loo qaaday mooshinka raysal wasaaraha Soomaaliya kaasoo ay hadda codka u qaadanayaan xildhibaannada baarlamaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka oo shirka guddoominayay ayaa ku dhawaaqay natiijada, isagoona sheegay in 184-mudane ay codka kalsoonida ay kala laabteen raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.
Wuxuu sheegay inay u codeeyeen 249-mudane , waxaana mooshinka ka soo horjeestay ka mid ah 65-mudane
Guddoomiyaha ayaa sheegay in xukuumadda raysal wasaaraha ay weysay kalsoonida, baarlamaanka, wuxuuna sheegay ilaa inta laga soo dhisaayo xukuumad cusub ay sii shaqeen doonaan raysal wasaaraha iyo xukuumadiisa.
Jawaari ayaa sido kale tilmaamay in natiijada ka soo baxday kulanka maanta ay u gudbin doonaan madaxweynaha iyo raysal wasaaraha.
Guddoomiyaha waxaa kaloo u sheegay in uu shir jaraa’id ku qaban doono xarunta uuna ku faah-faahin doono wax yaabaha maanta ka dhacay fadhigga baarlamaanka.
Faah-faahin goodhow la soco.