25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Colaada Sh/Dhexe oo kasii dartay kadib dilal ka dhacay

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo aagga degmada Cadale ee gobolkaasi, kadib markii halkaasi ay kasoo cusboonaatay xiisad colaadeed oo horleh.

Xiisadda ayaa timid, ka gadaal markii saaka maleeshiyaad hubeysan ay laba qof oo shacab ah ay kusoo dileen deegaanka Burdheere oo hoostaga degmada Cadale, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Labada qof ee la dilay ayaa mid ka mid ah waxa uu u shaqeynayay shirkad isgaarsiineed oo ku taala deegaanka, halka midka kalana uu ka shaqeynayay Ceel biyood ku yaala halkaasi.

Sidoo kale, marxuumiinta ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay  Fanax Macalin Xabeeb iyo Muxudiin Caraale, waxaana lasii wariyay in ragga dilay ay kasoo jeedaan dhanka magaalo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa deegaanka uu dilka ka dhacay, waxaana durbo la dareemay saameynta xiisadda horleh.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo maamulka degmada Cadale oo ku aadan dilka iyo xiisadda ka taagan halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana dhaqan-geli waayay heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha ku dagaalamaya halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sameysay isku dayo dhowr ah, waxayna ciidamo gaysay gobolka, si ay uga hortagaan dagaal beeleedyada, balse ma joogan, waxaana weli halkeedii ah xiisadaha colaadeed ee ka jira deegaannada maamulka HirShabelle.

- Advertisement -

Read more

Local News