Congress-ka Mareykanka oo shuruudo adag ku xiray arrin muhiim u ah Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Warbaahinta Fox News ayaa ogaatay in Mareykanku uu ka ka fakarayo inuu joojiyo maalgelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Islaamiga ah ee xagjirka ah ee Soomaaliya, ilaa Midowga Yurub, Midowga Afrika (AU) iyo Qaramada Midoobay (QM) ay qaataan mas’uuliyad dhaqaale oo cadaalad ah si ay uga qayb qaataan hawlgallada nabad ilaalinta iyo xasilinta Soomaaliya.

Qorshahan lagu “xayirayo” adeegsiga dhaqaalaha Mareykanka ayaa ah qodob muhiim ah oo lagu muujiyay hindise sharciyeed cusub oo ay wadaan saddex Senator oo caan ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay heshay Fox News.

Hindisahan, oo la jaanqaadaya siyaasaddii Madaxweyne Donald Trump ee lagu adkeynayay xakameynta kharashaadka gudaha iyo dibaddaba, waxaa soo diyaariyay Sen. Jim Risch (Idaho), Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka, Sen. Ted Cruz (Texas), iyo Sen. Rick Scott (Florida). Waxaa lagu magacaabay: Xeerka Xaddidaadda Maalgelinta Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee 2025.

“Ujeeddadu waa in la ilaaliyo canshuuraha muwaadiniinta Mareykanka iyo in QM iyo AU lagula xisaabtamo marka ay fulinayaan hawlgallada nabad ilaalinta ee Afrika,” ayuu yiri Risch oo la hadlay Fox News.

Sharcigan waxa uu sidoo kale Mareykanka ku waajibinayaa inuu ka hor yimaado go’aanno kasta oo Golaha Ammaanka ee QM uu qaato si uu u ansixiyo maalgelin noocan ah.

Soomaaliya, oo ku taalla Geeska Afrika, waxa ay tobannaan sano la daalaa-dhacaysay weerarro iyo kacdoonno ay geystaan kooxaha xagjirka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish, gaar ahaan Al-Shabaab. Shantii toddobaad ee u dambeeyay, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu fuliyay afar duqeyn: saddex lagu qaaday Daacish iyo mid lagu beegsaday Al-Shabaab. Duqeyn ka mid ah ayaa lagu sheegay inay bartilmaameedsatay dhowr goobood.

Senator Risch ayaa sheegay, “Maamulka Trump waxa uu qaaday tallaabooyin cad oo lagu wiiqayo kooxaha argagixisada ee Afrika, waxaana u taageersanahay si buuxda.”

Hase yeeshee, ayuu yiri Risch, Midowga Yurub waxa uu doonayaa in Mareykanka laga dhigo kan bixiya kharashka ugu badan ee hawlgalka AUSSOM, halkii uu si siman ula qaybsan lahaa mas’uuliyadda.

“Xubnaha Midowga Yurub ee QM waxa ay isku dayayaan in ay iska wareejiyaan waajibaadkooda dhaqaale ee AUSSOM, iyagoo soo jeediyay hab maaliyadeed cusub oo caddaalad darro ah oo culayska saaraya Mareykanka,” ayuu yiri Risch.

“Taasi ma oggolaan karno,” ayuu sii raaciyay. “Hindisahan waxa uu mamnuucayaa in Mareykanku wax maalgelin ah ku bixiyo AUSSOM iyadoo la adeegsanayo nidaamka cusub, ilaa AU iyo QM ay muujiyaan inay si hufan oo mas’uuliyad leh u isticmaalayaan dhaqaalaha jira. Waa in laga hortagaa in Mareykanka si joogto ah ugu xirmo nidaam aan shaqayn.”

Risch wuxuu intaa ku daray, “Madaxweyne Trump wuxuu horseeday waqti cusub oo siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka ah, taas oo ah in doolarka canshuur-bixiyeyaasha loo adeegsado danaha qaranka kaliya. Waqti dheer ayay saaxiibbadeen ka faa’iideysanayeen Mareykanka oo bixinaya kharashka ugu badan ee amniga caalamka. Yurub waa inay qaaddaa mas’uuliyaddeeda.”

Senator Cruz iyo Senator Scott oo sidoo kale la socda hindisaha, waa xubno ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Senate-ka.

Senator Scott ayaa u sheegay Fox News, “Mareykanka marnaba ma oggolaanayo in canshuurta muwaadiniinta la isticmaalo iyadoo QM aysan bixin wax mas’uuliyad ah, gaar ahaan marka hawlgalka la maalgelinayo uusan muujin hufnaan iyo isla-xisaabtan. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan la shaqeeyo asxaabteyda si loo hubiyo in danaha Mareykanka hormuud ka noqdaan, isla markaana lacagteennu si xikmad leh loo maareeyo.”

Qodobada muhiimka ah ee lagu muujiyay hindisaha, sida ay heshay Fox News, waxaa ka mid ah:

  • Ilaalinta lacagta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka: Mamnuucista in Mareykanku maalgelin ku bixiyo AUSSOM iyadoo la adeegsanayo Qaraarka 2719 ee Golaha Ammaanka QM, iyo in Mareykanku si rasmi ah uga hor yimaado tallaabo kasta oo maalgelintaas suurto-gelinaysa.
  • Kormeer adag: In Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka lagu waajibiyo inuu sannad kasta sameeyo qiimeyn madax-bannaan oo lagu ogaanayo sida AU u fulinayso shuruudaha ku cad Qaraarka 2719 ee dhammaan hawlgallada nabad ilaalinta ee uu hoggaamiyo.
  • Hufnaan iyo isla-xisaabtan: In Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay siiso Congress-ka warbixin dhammaystiran oo ku saabsan natiijada qiimeynta, waxqabadka iyo maalgelinta AUSSOM, iyo wixii lacag ah oo Mareykanku bixiyay iyadoo la raacayo Qaraarka 2719.
  • La-tashi Baarlamaan oo Dheer: In la ballaariyo warbixinnada ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda siiso Congress-ka si ay uga mid noqdaan xogta la xiriirta hawlgallada nabad ilaalinta AU ee lagu maalgeliyo Qaraarka 2719.