25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Cosoble oo musharaxii Reer Aw-Xasan ka saaray liiska musharaxiinta Aqalka Sare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbedelkii ugu danbeeyay ee lagu sameeyay musharixiinta aqalka sare ayaa keenay in laga reebo musharixii beesha Sheekhaal Reer Aw-xasan oo ay olole weyn ugu jireen inuu xilkaasi ku guuleyso kooxda Damjadiid.

Madaxweynaha Hirsahabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble uu maanta wax ka bedelay liiska musharixiinta aqalka sare ee uu xalay soo saaraym kadib markii la sheegay in kuraasta qaarkood ay kaliya ku tartamayaan haween qura.

Arrintan waxay saameyn ku yeelatay General Axmed Sayid Axmed (Dhagacaleen) oo ahaa musharax ay wateen  kooxda Damjadiid, isagoo uu ololeeyay xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, wasiirka arrimaha gudaha Mudane Odowaa iyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Tallaabada uu qaaday madaxweynaha Hirshabeelle ayaa noqoneysa isbedelkii labaad ee musharaxan lagu sameeyo iyadoo hore loogu qoray kursiga Beesha Ujeejeen oo uu la loolami lahaa Prof. Cismaan Dufle, balse dood dheer kadib oo beeshaasi ka timid ayaa lagu daray beesha shanaad oo haddana laga reebay, waxaana haddana kursiga beesha Shanaad ku tartamaya haweenka kala ah:

Faadumo Abuukar Mahdi

Drs Naciimo Shiikh Maxamuud

Fartuun C/qaadir Faarax

Sacdiyo Daa’uud Maxamed

Olole ay wadaan kooxda damjadid ee ku jirta Baarlamaanak Hirshabeelle ayaan la ogeyn meel uu tegi doono, waxaana mid ka mida xildhibaanadaasi uu sheegay inay mooshin ka keenayaan madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News