Beledweyne (Caasimada Online)-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa waxaa goordhow xilka looga qaaday Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar ”Yuusuf Dabageed”.
Isla wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan xilkaasi oo loo magacaabay Cali Jeyte Cismaan.
Yuusuf Dabageed, ayaa lagu wadaa in isna loo magacaabo xil kale, waxa uuna qorshuhu yahay mid lagu qancinaayo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khalifa oo labadii bil ee ugu danbeysay ay isku dhacsanaayen Dabageed.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble, ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu xil ka qaadis ku sameeyo mas’uuliyiin dhowr ah kuwaasi oo ay saameyn ku yeelan doonto hanaanka lagu qancinaayo Ugaaska Xawaadle.
Xil ka qaadista Yuusuf Dabageed ayaa imaaneysa iyadoo maalmo un ka hor Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle loo doortay Cali C/laahi Cosoble oo beel ahaan kasoo jeeda Beesha Xawaadle.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]