Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii Hore Ee Dalka Soomaaliya Dr C/qaasim Salaad Xasan ayaa waxa uu ka hadlay Xaalada Soomaaliya iyo sida ugu muhiimsan ee Dalka Nabadiisa looga shaqeyn karo.
Dr C/qaasim Salaad ayaa isagoo jooga waddanka Masar Caasimada Qaahira waxa uu sheegay in Ciqaab xag alle ka timid ay heysato Soomaaliya sida looga bixi karana ay tahay allah oo la baryo.
Dhibaatada jirta ayaa waxa uu sheegay in dhalinyaradii Soomaaliyeed ay yihiin kuwo warka culumada iyo Waalidkood aysan maqleyn kuwaasi oo is qarxinaya.
Madaxweyihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan waxa uu sheegay in Alle uu ubaryey Soomaaliya uu nabad ka dhigo Soomaalida kalena ugu baaqay in Kitaabka Qur’aanka akhriskiisa badiyaan si musiibada gacmaheena ku keensanay alle nooga dul qaado.
Musiibooyinka ayuu ku kala sheegay:-
1 Ineysan jirin Culumo wacdisa caruurta la qalday
2 Caruur Waalidiintooda ka maqlaya hadalka ay dhahayaan
3 Ciqaab Xag Alle ah oo ku timid Soomaalida waxay gacmahooda ku kasbadeen
C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaalida kuwooda aadka waddan jaceylka uga muuqdo waxaana hadalkaan uu jeediyey laga dheehan karay qiiro.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]